Muwaadiniinta Britain Oo Looga Digay Inay Ku Nagaadaan Dalka Somalia

0

Xafiiska Arrimaha Dibedda iyo Barwaaqa-sooranka dalka Britain ee FCO waxay uga digtay Muwaadiniinta Britain inay Somalia tahay meel khatar u ah in la joogo, waa sida hadalka loo dhigay.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska FCO ayaa laga ddigay inay dadka UK u socdaalaan Somalia oo ay ku jirto Somaliland, marka laga reebo magaallooyinka Hargeysa iyo Berbera.

Xafiiska Arrimaha Dibedda iyo Barwaaqa-sooranka dalka Britain ee FCO waxay ku waregelisay dhamaan dadka haysta dhalashadda UK ee ku sugan gudaha Somalia inay isaga soo huleelaan, halka kuwa ku sugan Hargeysa iyo Berbera aan lagu talinin inay si degdeg uga soo baqoolaan labadaasi magaallo, balse ay muujiyaan Feejignaan dheeraad ah.

Dhinaca kale, qoraalak ka soo baxay Xafiiska Arrimaha Dibedda iyo Barwaaqa-sooranka dalka Britain ee FCO waxaa lagu xusay inay weeraro ka dhici karaan Somalia, isla markaana ay jirto Khatar Sare oo ku aadan falalka Afduubka iyo weeraro ka dhan ah daadka Reer Galbeedka iyo kuwa u shaqeeyaHay’addaha laga leeyahay dalalka Reer Galbeedka.

Digniinta ka soo baxday Xafiiska Arrimaha Dibedda iyo Barwaaqa-sooranka dalka Britain ee FCO waxaa kale oo lagu sheegay inay weeraro Argagixiso ka dhici karaan gudaha Muqdisho iyo inay sii socdaan qorshaha weeraradda ka dhanka ah dadka Reer Galbeedka ee ku sugan  qeybaha kale ee Somalia oo ay ku jirto Somaliland.