DFS Oo Guulo Ka Sheegatay Howlgal Ka Dhan AlShabaab

0

Howlgalkan ay sameeyen Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku sugan Gobolka Shabeelada hoose ayaa la sheegay in lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-shabaab, iyadoo sidoo kale looga qabsaday Hub iyo saanad kale oo ay u adeegsan jireen dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.

Illaa 7 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu khaarijiyay howlgal ballaaran oo Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka fuliyeen bar ay ku xubnaha Shabaab oo ku dhow degaannada Gendershe iyo Dhanaane oo ka tirsan Gobolka Shabeelada hoose, iyadoo sidoo kale laga qabsaday Hub iyo rasaas 24-kii saacadood ee ugu dambeeyey.

Taliye kuxigeenka qeybta 12-ka April ee Ciidanka Xogga Dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare  Xasan Aadan Xaashi ayaa u sheegay warbaahinta dowladda in howlgalkaasi khasaaro ku gaarsiiyeen Alshabaab.

“Howlgalada waxaa ay ka dheceen Dhanaane iyo Gendershe,waxaan ku dilnay 7 ka tirsan argagixisada,hubna waan ka furanay,waxay isugu jiraanm AK 47, BKM,Sabanno,iyo rasaas badan oo ay dadka ku dhibaateynayeen,” ayuu yiri.