DAAWO:-Madaxweyne Deni oo Kulan kula Qaatay Boosaaso Ganacsatada Puntland

0

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Magaalada Boosaaso kulan kula qaatay Ganacsatada Puntland.

Kulanka Ganacsatada iyo Madaxweynaha ayaa waxaa qayb ka ahaa Maamulka Gobolka kan degmada Boosaaso, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada iyo masuuliyiin kale.

Muhiimadda kulankan ayaa ahaa sidii Dowladda iyo Ganacsatada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland uga wada shaqay lahaayeen horumarinta arrimaha ganacsiga sida, suuq-geynta wax soo saarka dalka, horumarinta ganacsiga, taageerada ganacsi ee dalka ka socota, arrimaha Maalgashiga dalka iyo in laga wadashaqeeyo sidii khayraadka dalka, gaar ahaan Puntland suuqayada caalamka loogu soo bandhigi lahaa.

Kulanka ayaa kusoo idlaaday guul waxaana ay xaqiijiyeen ganacsatada Puntland in magaalada Boosaaso mudo yar oo kooban ay nasiib u heshay maalgelin balaadhan oo dhowaan shacabka reer Puntland ku naaloondoonaan.