AKHRISO:- Jarmalka,UK iyo Faransiiska oo ku eedeeyay in weerarkii Ceelasha Sacudiga ay Iran ka dambeysay

0

War ay si wadajir ah uga soo saareen magaalada New York wadamada Jarmalka, Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa lagu sheegay in dowlada Iran ay ka dambeysay weerarkii lagu qaaday ceelasha saliida ee Boqortoyada Sacudi Carabiya.

Weerarka oo ay geysteen diyaaradaha aan duuliyaha wadin 14kii bishan ayaa qasaare lagu gaarsiiyay ceelasha saliida ee Abqaiq iyo Warshad lagu sifeeyo saliida ee Khurais ee Boqortoyada Sacudi Carabiya.

“Waa ay noo cadahay annaga in Iran ay mas’uul ka ahayd weerarka,mana jiro marmarsiinyo kale.”ayay saddexda hogaamiye ee wadamada soo saaray bayaankan ay ku sheegeen iyagoo ku sugan xarunta qaramada midoobay ee New York.

Sidoo kale wadamadan ayaa ugu baaqay dowlada Iran inay oggolaato in wadahadal ay ka gasho arrimaha Niyukliyerka,barnaamijyada gantaalada iyo ammaanka gobolkaba.

Xiisad ka dhalatay duqeyntan ayaa heer sare gaartay toddobaadkan iyadoo inkabadan kalabar saliidii laga soo saari jirey Sacudi Carabiya ay hoos ugu dhacday.

Kooxda ka dhisan dalka Yemen ee Xuutiyiinta ayaa sheegtay mas’uuliyada duqeynta balse dowlada Maraykanka ayaa ku eedeysay Iran inay weerarkan ka dambeysay maalin kadib markii uu weerarkan dhacay.