Xasan Sheekh oo si kulul uga hadlay Xayiraadii lagu sameeyay Garoonka Kismaayo

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay Xayiradda Dowladda soomaaliya ay saartay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo, waxa uu sheegay in arrintaasi ay sababatay in dhibaato badan ay la kulmaan Dadka Ra’yidka ah.

Xasan Shekh Maxamuud, qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu si kulul arrintaani ugu hadlay waxa uuna yiri.

“Soomaaliya waxay sugaysay ku dhawaad ​​30 sano inay gacanta ku dhigto hawadeeda.

“Waa xaalad murugo leh in dowladdu u isticmaasho maareynta hawada, sidii hub siyaasadeed oo saameyn culus ku yeelan kara xasilloonida siyaasadeed iyo midnimada dalka”.

Waxaan kula talineynaa dowladda inay labo jeer ka fikirto oo ay ka laabato dariiqa hadda wax loo wado” ayuu yiri xasan Sheikh Maxamuud.