Sheekh Maxamed Idiris Oo Lagu Amray Inuu Ka Baxo Hargeysa Lagana Joojiyay Muxaadarooyin Uu Ku Qaban Lahaa Somaliland

0

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa joojisay tababar Cimiyeed ku saabsanaa Arrimaha Guurka iyo Muxaadarooyin Diini oo Magaalada Hargeysa ku qaban lahaa Sheekh Maxamed Idris oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed.

Sheekh Maxamed oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Hargeysa  ayaa doonayay in halkaas uu ku qabto tababar ku saabsan Arrimaha Guurka,isla markaana goob fagaaro ah dhawaan isugu keenay qaar kamid ah gabdhaha wax ka barta Iskuulada ku yaalla halkaas.

Sidoo kale Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa Sheekh Maxamed Idris ku amartay in Magaalada Hargeysa sida ugu dhaqsiyaha badan uu isaga baxo.

Ilaa iyo hada lama oga sababta keentay in Somaliland ay Sheekh Idris ka joojiso tababarka iyo Muxaadarooyin halkaas kuu qaban lahaa.