SAWIRRO:-Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Saddexda Maamul goboleed iyo Gobolka Banaadir ee taageersan dowladda Federaalka

0

Madaxweyne dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Farmaajo ayaa xalay casho sharaf u sameeyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.

Kulankan ayaa ahaa mid Madaxweynaha mid kala war-qaadasho ah xaalada guud ee dalka, sida amniga horumarka kaabayaasha dhaqaale, xoreynta deegaanada Al-Shabaab maamulaan iyo dib u dhiska dalka.

Sida muuqata kulankan ayaa ahaa mid dowladda Federaalka ku muujineysay taageerada iyo xiriirka dhow ay la leedahay Maamul Goboleedyada, marka laga reebo Puntland iyo Jubbaland oo aanay xilligan xiriirkooda wanaagsaneyn.

Sidoo kale waxaa uu ahaa dhoolatus siyaasadeed oo ku aadan isbaheysiga dowladda Federaalka la tahay aqlabiyada maamul goboleedyada, isla markaana ay aheyd mid direysay farriin ka hor shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya SPF ee lagu wado inuu ka dhaco bisha soo socota magaalada Muqdisho, kaasoo ah wajiga labaad ee Shirkii Brussels ka dhacay sanadkii hore.

Kulankan ayaa ku soo aaday, xilli Madaxweyne Farmaajo ku sii jeedo New York, halkaasoo uu uga qeyb galayo shir sanadeedka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey oo markii u horeysay uu ka qeyb galay, lana filayo inuu khudbad ka jeediyo.