AKHRISO:- Shir uga furmay Baydhabo Xeer ilaaliyaasha Federalka iyo Dowlad goboleedyada

0

Shirweynihii Labaad qaranka ee Xeer Ilaaliyaasha Soomaaliyeed ayaa Maanta Ka Furmey Magaalada Baydhabo Shirkan ayaa Mudada Seddaxda Maalin Uu socdo Waxaa Looga Hadli Doonaa Xoojinta wada shaqeynta iyo iskaashiga Xeer ilyaaliyaasha Soomaaliyeed.

Waxaa Ka soo qeyb galey Xeer ilaaliyaasha Dowlad Goboleedyada Xubnaha Ka ah Dowladda Fedaraalka Soomaaliya , Hay’adaha Garsoorka Dalka, Taliyaha Ciidanka Booliska Degmada Baydhabo, Guddomiyaha Maxkamadda Sare Ee Dalka Iyo Kan KG iyo Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka .

Shirka intuu socday Waxaa halkaasi ka hadley Qaar Ka Mid ah Xeer Ilaliyaasha Dowlad Goboleedyada Dalka , Koonfur Galbeed , Hiir-Shabeelle , Puntland, Galmudug, Jubbaland. Iyagoona Dhamantooda Si weyn usoo dhaweeyay Shirkan ayna Rajeynayaan In Qodobo Badani ka soo bixi Doonan oo lagu heshiiyo.

Guddomiyaha Maxkamadda sare Ee Dalka Baashe Yuusuf Ahmed , ayaa Si Rasmi ah u furey Shirka ayaa Dhammaan Xeer Ilaaliyaasha Soomaaliyeed Iyo Hay’adaha garsooka kula dar daarmay in Shirkan Qodobo Mari dhal ah ka soo saraan si uu udhismo Garsoorka Dalka.

Muddo Seddax Maalin ayaa Shirka Baydhabo uga socon doonaa Xeer Ilaaliyaasha Soomaaliyeed kaasi oo Qodobo Badani Looga hadli doono oo uu ka mid yahay Ururka Xeer Ilaaliyaashaa Soomaaliyeed.