Maxay tahay sababta Taliyaha Sirdoonka Angola u yimid Muqdisho?

0

Magaalada Muqdisho waxaa shalay soo gaaray Taliyaha Hay’adda sirdoonka Dalka Angola José Luís Caetano Higino de Sousa.

Safarka Taliyaha Sirdoonka Angola ayey dad badan isweydiinayaan waxa uu salka ku hayo hayeeshee dalka Angola waxaa galay raadka Qaraxii loo adeegsaday Laptopka ee lagu qarxiyay diyaaradda Daalo Airline February sanadkii 2016kii.

Ninka Qaraxaas geystay oo magaciisa lagu sheegay Cabdullahi Cabdi Salaan Boorle ayaa la xaqiijiyay in Tikidkii uu ku raacay Diyaaradda Daalo uu ka goostay caasimadda dalka Angola ee Luanda.

Hay’adaha Sirdoonka Soomaaliya ayaa arrintaas dabagal ku sameeyay si ay u xaqiijiyaan in kiiskaasi meelo kale lugaha kula jiro.

Dowladda Angola ayaa dhinaceeda baaritaan ka billowday waxaana Taliyaha Sirdoonka Angola ee shalay soo gaaray Muqdisho uu dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya la wadaagay xogta ay ka heleen arrinkaas.

Weerarkii Diyaaradda Daalo waxaa ku dhintay Boorle markii uu ka dhacay Diyaaradda halkii uu fadhiyay oo qaraxday darteed.

Diyaaradda ayaa dib ugu soo laabatay Magaalada Muqdisho iyada oo laga daad gureeyay rakaabkii la socday.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale weerarkaas fashilmay u xirtay labo qof oo magacyadooda lagu kala sheegay  Cabdullahi Xirsi Xaashi iyo Cabdiwali Macow oo ka mid ahaa shaqaalaha Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Diyaaradda Daalo waxaa saarnaa 80 qof oo Rakaab ah,waxaana weerarkaas kaddib dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya joojisay baasaboorka Soomaaliga ah ee laga goosan jiray Internetka ama Online-ka.