Howlgallo Ballaaran Oo Laga Sameeyey Gobolka Sh/Dhexe

0

Ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ayaa maanta howlgallo balaaran ka sameeyey duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ka sameeyeen agagaarka deegaanka Gololey oo shalay qarax lagula eegtay mas’uuliyiin ka tirsanaa HirShabelle.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in howlgalladaasi lagu soo qab qabtay dad u badan u dhalinyaro, kuwaas oo baaritaano, kadib ay ciidamaduu sii daayeen.