DHAGEYSO:-Somaliland Oo Ka Laabatay Heshiis Ay La Gashay Imaaraadka Carabta

0

Hogaamiyaha Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta shaaciyay inay ka laabteen heshiiskii garoonka diyaaradaha Berbera lagaga dhigayay Saldhig Millateri oo Imaraadka Carabta leeyahay.

Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in Saldhigga loo baddalay Garoonka  diyaaradeed ah oo ah mid shacab,isla markaana haatan loo dhisi doono qaab casri ah uuna kamid noqon doono kuwa ugu waa weyn Afrika.

“Garoonkii Berbera ee in badan laga murmaayey ee Imaaraadku dhisayeen ee la-lahaa waa ciidan iyo ciidankani muxuu yahay, Ciidankii waan ka wareejiyey oo waa Shibil Maanta”ayuu yiri Hogaamiyaha Somaliland.