Al-shabaab oo sheegatay dilal ka dhacay Baladxaawo

0

Dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ayaa sheegtay in saddex qof oo ka mid ahaa maamulka Jubaland ay ku dileen degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo.

Al-shabaab ayaa sheegtay in dhamaan saddexda qof ee xalay lagu dilay Baladxaawo ay ka tirsanaayeen Maamulka Jubaland.

Dadka ay dileen AL-shabaab waxaa ay ku kala sheegeen Xuseen Shariif oo ka mid ahaa guddoomiyayaasha xaafadaha Balad Xaawo sida ay sheegeen AL-shabaab.

Waxaa kale oo ay sheegeen in weerarradii xalay ku dileen Cabdi Keynaan oo ay sheegeen in uu ka mid ahaa qeybta Maaliyadda Maamulka.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in ay dileen Haweeney ka tirsaneyd Ururka Haweenka ee Jubaland una qaabilsaneyn gobolka Gedo.

Maamulka Jubaland wali kama hadlin sheegashada Al-shabaab ee la xiriirta dilalka ay sheegeen in ay ka geysteen degamada Baladxaawo ee Gobolka Gedo.