TOP NEWS:-Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Oo La Kulmay Xildhibanada Ololaha Maqaamka Caasimadda

0

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud Filish ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka, kuwaasoo maalmihii lasoo dhaafay waday Ololaha Maqaamka Caasimadda.

Xildhibaanada uu la kulmay waxaa ka mid ah C/qaadir Cosoble Cali oo muddooyinkii u dambeeyay hoggaaminayay Mashruuca Maqaamka Gobolka Banaadir ee ku aadan sidii dadka Banaadir dega ay u soo dooran lahaayeen maamul ku yimaada rabitaankooda.

Duqa Caasimadda ayaa kala hadlay xildhibaanada dadaallada ay waddaan sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir.

Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn uga soo horjeeda in Maqaam ay yeelato Magaalada Muqdisho, waxaana xusid mudan in Gudoomiyihii gobolka Banaadir Taabid xilka looga qaaday raadinta Maqaamka Caasimadda.