SAWIRRO:-Wasiir Bayle oo Addis Ababa uga qayb galay shir lagu soo bandhigaayay hormarka Maaliyada Soomaaliya

0

Wasiirka Maaliyada Xukumada Faderaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa Maanta Magaalada Addis Ababa ee Caasimada Dalka Itoobiya ugu qayb galay shir looga hadlaayay soo bandhigida horumarada Maaliyadda iyo dhagaalaha Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Dr Bayle iyo agaasimaha IMF ee Soomaaliya Ms Allison Holland oo maamihii la soo dhaafay ku sugnaa Addis Ababa ayaa shirka ka dhiibtay Aragtooda ku aadan Hormada uu sameeyay Dhaqaalaha Soomaaliya iyo halka ay marayso dayn Cafinta wadankaa dagaalada la daala dhacaya.

” Addis Ababa Waxaan maanta ka geyb galay shir lagu soo bandhigayay horumarka Maaliyadda iyo dhagaalaha Soomaaliya oo ay goob joog ka ahaayeen Wakiilada Beesha caalamka ee Soomaallya” ayuu yiri wasiirka Maaliyada Soomaaliya Dr Bayle.

“Aniga iyo agaasimaha IMF Somaaliya Ms Allison Holland ayaa warbixin ka dhiibay halka uu marayo Barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya (SMP) oo ku dhisan isbadal dhagaale iyo horumar Maaliyadeed oo aan ku talaabsanay sanadihii la soo dhaafay”.

Matalayaashii Beesha Caalamka ee Shirka ka soo qayb galay ayaa bogaadiyay horumarka Maaliyadeed ee Dowladda Soomaaliya ay gaartay, iyagoona ku booriyay hey’adaha ay quseyso Cafinta Deymaha Soomaaliya iyo in lagala shaqeeyo dhameystirka howlaha Dayn Cafinta ee hortaal Xukumadaan.