Ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka oo kala dhexgalay Maleeshiyaad ku dagaalamay Balanbal

0

Ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka gaarahaan qaybta 21 aad ayaa gaaray deegaano hoos taga degmada Balanbal ee Gobolka Galgaduud halkaas oo ay isku horfadhiyaan Maleeshiyo beelleed shalay ku dagaalamay duleedka Balanbal.

Ciidamado iyo Saraakil kasocda Guutada 15aad, Taliska Qaybta 21aad Ee ciidanka xoogga dalka isla markaana uu Hogaaminayo Taliyaha Guutada 15 aad Gen Mascuud Maxamed Warsame ayaa ku baxay deeganadii Ay dhowaan dagaalado ka dhaceen oo dhamantood hoostaga degmada Balanbale Gobolka Galgaduud.

Deegaanada ay gaareen Ciidanka Xoogga dalka ayaa waxaa  wili isku Horfadhiya a maleshiyaadkii dagaalamay, waxaana Ciidamo ay kala dhex galeen Maleeshiyaadka dagaalamayay.

Waxaa sidoo kale Qayb Ka ah Howlgalka Baaajinta Dhiiga beelaha Walaalaha ah ku dagaalamaya duleedka degmada Balanbal  Ciidamo katirsan NISA qaybtooda Galmudug oo ka soo ruuqaansaday Dhuusamareeb.

Wasaarka Amniga guddaha Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa faray laamaha amaanka Galmudug in kala dhex galaan Maleeshiyaadka dirirtoodu ku soo laalaabatay duleedka degmada Balanbal.