AKHRISO:- Muwaadiniin Somalia Ah Oo Dil Iyo Dhaawac Loogu Geystay Koonfur Africa

0

Dalka koonfur Africa waxaa ka socoda dhibaatooyin xad dhaaf ah oo dalkaas loogu geysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ganacsiga u tegay dalkaas kuwaas oo dhibaatoyin kala duwan kala kulma.

Wararka laga helayo magaalada Derban ee dalkaas ayaa sheegay in lagu dilay muwaadib Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Daahir Ciise Cabdi nuur oo ay weerareen kooxo burcad koonfur afrikaan ah.

Sido kalana waxaa wararku ay tilmaamayaan ku dhawaad 5-ruux oo kale in ay dhaawacyo soo gaareen lana boobay goobahoodii ganacsi ee ay lahaayeen ilaa iyo haatana ma jirto cid ka hadashay.