SAWIRRO:-290 Qof oo maanta u Fadhiistay Imtixaan loogu tartamayo 50 jago oo kaaliyenimo ah

0

290 qof ayaa maanta u fadhiistay imtixaan loogu tartamayo 50 jago kaaliyenimo ah, taasi oo ka banaan Maxkamadda Sare iyo Maxkamaddaha Gobolka Banaadir, waxaana Kaaliyeyaasha oo kaalin weyn ku leh bixinta adeegga caddaaleed ee dalka ay Maxkamaddu siineysaa muwaadiniinta Soomaaliyeed fursado shaqo oo loo siman yahay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare JFS Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa maanta daahfuray imtixaanka kaaliyayaasha oo ay u fadhiisteen 290 tartarme oo u tartami doona 50 boos oo kaaliye nimo oo ka hawlgali doona Maxkamaddaha darajada 1 aad iyo 2aad.

Arrintaani ayaa waxay qayb ka tahay dib-u-habayn ballaaran oo ku socota Garsoorka dalka, si loo xaqiijiyo helitaanka garsoor awood buuxda u leh xilgudashadiisa, ummaddana ugu adeega si hufan, madaxbanaan oo dhexdhexaad ah.