Ciidanka Dowladda Iyo Al-Shabaab Oo Ku Dagaalamay Gobolka Gedo

0

Wararka aan ka heleyno Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay halkaas uu dagaal ku dhexmaray Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.

Dagaalkan ayaa ka dambeeyay,kadib markii rag ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin gudaha Garbahaarey,isla markaana waxaa halkaas ka dhacay dagaal saacado kooban qaatay,wallow markii dambe uu istaagay.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in xalay ay maqlayeen jugta rasaas xoog oo ay isdhaafsanayeen Ciidanka dowladda iyo Al-shabaabkii weerarka soo qaaday,waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Taliyaha Saldhiga Degmada Garbahaarey Cabdi Xakiin Maxamed Cumar “Caano koosto” ayaa sheegay in weerarkii uga yimid Al-shabaab ay iska difaaceen,isla markaana haatan xaalada deegaanka ay tahay mid degan.

Sidoo kale Taliye  Caano koosto ayaa sheegay in Al-shabaabkii weerarka soo qaaday ay ka dileen laba dagaalame,sidoo kalena dhankooda uu hal Askari dhaawac Culus ka soo gaaray.

Dhinaca kale ma jiro ilo Madax banaan oo xaqiijinaya khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkii xalay ka dhacay Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo.