Roob Khasaaro Geystay Oo Ka Da’ay Deegaano Ka Tirsan Puntland

0

Wararka aan ka heleyn deegaano ka tirsan dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa ay sheegayaan in saacadihii la soo dhaafay halkaas uu ka da’een roobab xoogan oo dabeylo watay.

Roobabka ayaa sigaar ah uga da’day deegaan lagu magacaabo Hoodaa oo ka tirsan ee Gobolka Gardafuu ee Puntland,waxaana uu da’yay saacado dhowr,isla markaana ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada.

Sidoo kale Roobaka ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro nafeed iyo hantiyadeed,waxaana ku dhintay hal ruux,iyadoona uu burburiyay in ka badan 25 guri oo ay ka mid tahay Xarun caafimaad oo halkaas ku taallay.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayan in Roobka uu biyo badan dhigay Wadooyinka deegaanka Hoodaa oo ka tirsan ee Gobolka Gardafuu ee Puntland.