SAWIRO:- Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Turkiga

0

Wafdi uu hoggaaminayay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda federaalka Somalia, Eng. C/llaahi Cali Xasan ayaa magaalada Izmir ee dalka Turkiga kula kulmay dhigiisa dalkaasi haweeneyda lagu magacaabo Ruhsar Pekcan, iyagoona ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo arrimaha ganacsi iyo mashaariicda horumarineed ee Turkiga ka fuliyo Somalia.

Labada wasiir ayaa isla soo qaaday muhiimada hirgelinta heshiisyadii labada dal ay u wada galeen, heshiisyadaasi oo labada dal muhiimad gaar ah u leh iyo sidii la isaga kaashan lahaa arrimaha ku saabsan lhorumarinta maalgashiga.

Safirka Somalia u fadhiya Somalia dalka Turkiga Jaamac C/llaahi Caydiid ayaa sheegay in booqashada wasiirka ganacsiga Somalia ee Turkiga uu guul weyn laga gaaray, isagoona sheegay in xubnihii uu kula kulmay Izmir ay ka mid aheyd hay’adda DEK oo Turkiga u qaabilsan horumarinta dhaqaalaha.

Wasiirka ganacsiga ayaa magaalada Izmir ku tegay casuumaad uu ka helay dhigiisa Turkiga Ruhsar Pekcan halkaasi oo lagu qabtay bandhiga gancsiga 88-aad, iyadoo ay kasoo qeybgaleen boqolaal dal oo lagu casuumay.