AKHRISO:- Ra’iisul Wasaare Kheyre oo maanta ku sii jeeda Baydhabo

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta ku sii jeeda magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Maamulka Koofur Galbeed, iyadoo socdaalkiisa la xiriiro arrimo kala duwan oo uga weyn tahay amniga iyo dib u habeynta Ciidamada.

Qaban qaabo lagu soo dhoweynayo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka socda Baydhabo, iyadoo koox hordhac u ah safarkiisa ay maalin ka hor gaareen magaalada, waxaana waddooyinka magaalada laga taagay boorar sawirradiisa ah iyo halku dhegyo lagu soo dhoweynayo.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa la filayaa in dhowr cisho uu joogo Baydhabo, sidoo kale waxaa uu safaro ku tagi doonaan deegaanada Maamulka Koofur Galbeed ee amnigooda gacanta lagu haayo.

Maamul Goboleedka Koofur Galbeed ayaa maamulka koowaad ee si dhow u taabacsan dowladda Federaalka, marka loo eego maamulada kale ee dalka ka jira, waxaana lagu xusuustaa kaalintii ay ku laheyd doorashadii Koofur Galbeed ee dhacday bishii December ee sanadkii hore iyo doorashadii C/casiis Lafta Gareen oo ahaa Wasiir ka tirsanaa Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Socdaalka Ra’iisul Wasaare Kheyre ee Baydhabo ayaa ku soo beegmaya, xilli lagu wado in dhowaan bilaabato soo xulida Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koofur Galbeed, maadaama waqtigooda dhamaaday Baarlamaanka hada jira.