Maxkamadda Ciidanka oo dhegeysatay dacwad loo heystay rag ka tirsan Al-shabab

0

Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada qalabka sida ayaa soo gaba gabeeysay dhegeysiga saddex Nin oo loo heysto Qarax ka dhacay Xaafadda Kaawo Godey ee Degmada Wadajir.

Saddexda Nin oo lagu kala magacaabaa Xasan Cali Macalin Barre, Sayid Cali Aadan Nuur iyo Muxiyaddiin Maxamed Axmed.

Raggan ayaa loo heystaa in ay ka dambeeyeen qarax Bishii Novermber ee sanadkii hore ka dhacay Isgoyska Kaawo Godey ee degmada Wadajir halkaas oo ay ku dhinteen 12 qof 10 kalena ay ku dhaawacmeen.

Dadka ku geeriyooday Dhame Maxamed Muxiddiin Abooreyste iyo hooyadiis, Xeer ilaalinta ayaa sheegtay in Qaraxa uu sameeyay Sayid Cali oo ka mid ah eedeysanayaasha islamarkaana eedeysanaha 1aad oo uu abti u yahay u dhiibay.

Markii la qabtay eedeysanaha 1aad ayey Xeer ilaalinta sheegeen in uu Sayid Cali qarxiyay Gaariga oo uu muddo todobaad ah hayay islamarkaana qarxiyay.

Maxkamadda ayaa sheegtay in kiiska dhegeysiga dacwadda uu soo dhamaaday sidoo kalena ay xukunna Raggan gadaal ka shaacin doonto.