DHAGEYSO+Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Tababar u Xiray Saraakiil Ka Tirsan Guutada 15-aad Ee Xoogga Dalka Qaybtood 21-aad

0

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug, tababar ugu soo xiray saraakiil ka tirsan guutada 15-aad ee qaybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka.

Tababarka uu Ra’iisul Wasaaruhu maanta soo xiray oo saraakiisha lagu barayay hab maamulka, kala sarreynta iyo xeerarka uu ku dhaqmo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ujeedkiisu ahaa in kor loogu qaado aqoonta iyo garaarka iyo aqoonta ciidanka, si ay hannaanka ugu habboon ugu gutaan waajibaadka ka saaran badbaadinta nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed.

Saraakiisha ciidamada ee tababarka loo soo xiray oo qayb ka ah ciimadadii dhawaan la qarameeyay ee lagu dhafay ciidanka xoogga dalka, ayaa sheegay in ay aad uga faa’iideysteen intii uu socday, ayna dhaqan geli doonaan.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ballan qaaday in dowladdu ay muhiimad gaar ah siineyso hagaajinta xaquuqda ciidanka, ayaa saraakiisha uu tababarka u soo xiray kula dardaarmay faray in ay ka shaqeeyeen ilaalinta nabad-gelyada iyo xoreynta deegaannada ay cadawgu uga suganyahaya Galmudug.

Dowladda Soomaaliya oo ku dadaaleysa sidii ciidanka xoogga dalku ay guud ahaan u hanan lahaayeen amniga dalka, ayaa wadda qorshe ballaaran oo dib loogu dhisayo ciidanka, lagu tayeynayo, laguna qalabeynayo si ay u soo celiyaan sharafka iyo karmaamada ummadda Soomaaliyeed.