Heshiiska ay Gaareen Mareykanka iyo Ururka Taliban oo la Shaaciyay

0

Danjiraha dowlada Mareykanka u qaabilsan wadahadalada nabada ee ururka Taliban Zalmay Khalilzad, ayaa sheegay in lagu heshiiyay in Milatariga Mareykanka ay ka baxaan shan saldhig oo ay ka dagan yihiin wadanka Afghanistan hadii uu dhaqan galo Heshiiska.

Mr Zalmay oo u waramayay warbaahinta Tolo ayaa sheegay in 135 maalin ay qaadan doonto marka uu heshiiskaan dhaqan galo lana helo Xasilooni Nabadeed.

Madaxa wadahadalka Mareykanka ayaa dhanka kale tilmaamay in heshiiskaan uu wali u baahan yahay in si rasmi ah uu ansixiyo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, deetana saraakiisha labada dhinac ay si rasmi ah ugu dhawaaqi Doonaan.

Isniinta maanta ayaa xilli hore ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in Khalilzad uu heshiiskan tusay madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani, oo dowladiisa ka hartay wadahadalka u dhaxeeyay labada Dhinac.

Sida ka muuqata heshiiskan marka ay ka baxaan milatariga Mareykanka saldhigyada ay ka joogaan Afghanistan, ayaa waxaa adeegsan doonin ciidanka Dowlada.

Dhanka kale Ururka Taliban ayaa laga doonayaa in aysan weerar ku qaadin milatariga Mareykanka iyo Xulufadooda.