AKHRISO:- Dalalka Urur Goboleedka IGAD oo shir uga furmay Nairobi

0

Magaalada Nairobi waxaa ka furmay shir ay yeelanayaan waddamada urur goboleedka IGAD, kaasoo ay uga hadlayaan arrimaha la dagaalanka abaaraha iyo nafaqa-darrada ka jirta wadamadaas.

Shirka oo ay ka qeybgalayaan madaxda hay’adaha samafalka iyo masuulyiin ka socday dowladdaha IGAD ayaa muddada uu socdo waxay ku fallanqeyn doonaan waxyaabihii u qabsoomay dhowr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay iyo sidoo kale sidii loo wajihi lahaa wajiga labaad ee la dagaalanka abaaraha iyo nafaqa darrada.

Dr. Cabdi Jaamac oo ah isku duwaha xafiiska la dagaalanka abaaraha iyo nafaqada darrada ee IGAD ayaa sheegay in Shirkaan uu yahay mid muhiim u ah wadamada Gobolka Geeska Afrika oo qaarkood abaaro ay la jiraan.