Musharaxa Madaxweynaha Galmudug iyo Xildhibaano ka tirsan Labada Gole oo gaaray Hobyo

0

Wafdi isugu jira Xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Siyaasiyiin ayaa maanta gaaray magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug, halkaasoo muddooyinkii u dambeeyay uu ka socday Shirka Nabadda ee Beelaha H/gidir.

Wafdigan ayaa waxaa ka mid ahaa Musharaxa Madaxweynaha Galmudug Xildhibaan C/raxmaan Odawaa iyo Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari iyo Xildhibaano kale.

Ujeedada socdaalkooda ayaa ah sidii ay uga weyb geli lahaayeen munaasabadda xiritaanka Shirka Nabadda Hobyo, oo lagu wado in maalinta berri la soo gabagabeeyo.

Shirkan ayaa lagu wadaa in laga soo saaro war murtiyeed la xiriira arrimaha geeddi socodka Dhismaha Maamulka Galmudug ee ka socda magaalada Dhuusamareeb.

Dhinaca kale C/raxmaan Odawaa oo maalin ka hor ku dhawaaqay inuu u yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu wadaa inuu si rasmi ah Ololihiisa deegaanada Galmudug oo socdaalo ku maro.