Ciidanka Xoogga dalka oo la wareegay deegaano ka tirsan Shabeelooyinka

0

Wararka ka imaanaya soohdinta u dhexaysa gobollada Shabeellooyinka ayaa sheegaya in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay Al-shabaab kala wareegeen degaanno halkaasi ku yaalla.

Ciidamada ayaa hawlgallo ay sameeyeen waxay Al-shabaab kala wareegeen degaannada Kaxarey iyo Busley oo ku yaalla soohdinta u dhexaysa labada gobol ee Shabeellaha hoose iyo Shabeellaha dhexe sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Xoogga dalka.

Taliyaha Ururka 35aad, guutada 7aad, qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga dalka, Korneel Cali Cabdullaahi Caraaye (Foofoo) oo la hadlay warbaahinta Dowlada ayaa sheegay in ay la wareegeen dhammaan tuulooyinka dhaca Soohdinta kala qaybisa laba shabeele, isagoo tilmaamay in ay sii wedi doonaan howlgalada ka dhanka ah Al shabaab.

Taliyaha ayaa sheegay in ay gubeen gaadiid ay Al shabaab lahaayeen, isaga oo sidoo kale tilmaamay in tuulooyinka Ciidamadu ay kala wareegeen  Al-shabaab ay shacabka deegaanadaasi ku soo dhaweeyeen Ciidanka Xoogga dalka ee halkaasi howl galada kawada.