Ciidamo kale oo AMISOM ah oo ku wajahan Dhuusamareeb

0

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in halkaasi maanta ay ku wajahan yihiin Ciidamo hor leh oo ka tirsan Amisom.

Ciidankaan oo ka tirsan kuwa Jabuuti ee Hiil walaal ayaa waxa ay ka baxayaan Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan, halkaasi oo Saldhigooda wayn uu ku yaallo.

Ciidamadan oo sugaya ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, ayaa wararka waxa ay sheegayaan in la sii kordhinaayo tiradooda, maadaama hadda kuwa jooga ay yihiin kuwa yar.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY: