Akhriso:-Wasiirkii Amniga Maamulka axmed madoobe oo lagu xiray Muqdisho

0

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Janan lagu xiray garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska Soomaaliya ay xireen, xilli uu ka yimid Kismaayo, isla markaana uu Transit ku ahaa Garoonka Muqdisho, kuna sii jeeday magaalada Addis Ababa.

C/rashiid Janan ayaa loo haystaa eedeymo la xiriira xadgudub dhanka bani’aadannimada gaar ahaan arrin ka dhacday sanadkii 2015 Degmada Doolow ee Gobolka Gedo, halkaasoo afar ruux oo maxaabiis ahaa lagu dhex dilay xabsigii ay ku jireen.

Booliska Soomaaliya ayaa horay dambiyo ku soo oogay, waxaana jiray amar Maxkamadeed oo soo qabasho iyo horkeenid Maxkamad oo lagu soo oogay Mr Janan.

Hase ahaatee bishii April ee sanadkan ayaa Warqad ka soo baxday Maxkamadda Gobolka Banaadir waxay ku burisay dacwada loo heystay iyo amarkii ka yaalay oo Maxkamadda ku wargelisay Laanta dambi baarista ee CID