AKHRISO:- Wasiir Ducaale;”Ciidamada AMISOM waxaa lagu xoojin doonaa ammaanka Dhuusamareeb.”

0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukumada Faderaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan AMISOM la geynayo magaalada Dhuusamareeb si loo adkeeyo ammaanka magaalada.

Warkan ayuu sheegay wasiir ducaale kadib markii uu kula kulmay magaalada Dhuusamareeb taliyaha guud ee ciidamada AMISOM iyo saraakiil ka tirsan AMISOM.

Wasiirka oo markii kulanku soo idlaaday la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Dowlada Soomaaliya iyo AMISOM kawada hadleen Sidii AMISOM ugu qayb qaadan lahaayeen, sugida nabadgalyada magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Maamulka Galmudug.

“Ciidamada AMISOM ee la geynayo Dhuusamareeb waxa ay noqon doonaan kuwo lagu xoojinayo Ammaanka Magalada Dhuusamareeb si loo suurta geliyo Doorasho xor iyo Xalaal ah.”ayuu yiri wasiirka amniga dowlada federalka Maxamed Abuukar Islow.

Wasiirka ayaa xusay in amaanka Dhuusamareeb uu yahey mid hagaagsan waxa uuna shacabka Reer Galmudug ugu baaqay in ay dhistaan maamul ay leeyihiin dadka reer Galmudug.