SAWIRRO:-Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta wada hadallo wax ku ool ah kula yeeshay magaalada Yokohama ee dalka Japan Madaxweyne Ku Xigeenka Bankiga Adduunka ee Qeybta Afrika Mudane Hafez Ghanem.

Wada hadallada ayaa diiradda lagu saaray dadaallada Xukuumadda ee la xiriira dib u habeynta maaliyadda, daynta cafinta iyo sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta wanaagsan ee haatan ka dhaxaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Bankiga Adduunka.

Kulanka uu Madaxweyne Farmaajo la yeeshay Madaxweyne Ku Xigeenka Bankiga Adduunka ee Qeybta Afrikaayaa waxaa ku wehlinayay Wasiirka Maaliyadda Somalia Cabdirxmaan Ducaale Beyle iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Somalia Dr Nuur Diiriye (Fuursade) iyo Xubno kale.