AKHRISO:- Muungaab “Magaalada dhagax waa dhaaftay in lagu xiro, Ganjeelo ayay gaartay in laamiga lagu xiro”

0

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahna Hoggaamiyaha Xisbiga Cadaaladda Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa markii u horeysay ka hadlay culeysyada heysta dadka Muqdisho, gaar ahaan Jidadka xiran.

Isagoo ka hadlayay munaasabadda xil wareejinta Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Fillish) ayuu ku ammaanay sida dowladda ay marxaladan xasaasiga ah ay u soo magacawday Mr Cumar Filish oo uu ku tilmaamay inuu yahay nin culus.

“Nin culus ayaa la magacaabay, nin culus markii la magacaabo akhyaar oo dhan waa isugu soo baxee, laguma kala harin, mucaaradka xataa waa yimid, Xukuumadda marxaladan xasaasiga ah markey Cumar Filish soo magacawday wax wanaagsan ayay sameysay, dowladda maalmahan waxaa looga bartay sardhawan magacaabow, hada wax macquul ayay soo magacawday, waa mahadsan yihiin”ayuu yiri Guddoomiye Muungaab.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in magaalada ay ka jirto culeys ah jidadka xiran, isla markaana shacabka meel walba laga xiran.

“Magaalada dhagax waa dhaaftay in lagu xiro, ganjeelo ayaa laamigeeda ku xiran, anaga dhagax ka qeylin jirnay, hada ganjeel lagu xiray, shacabka meel walba lagu xiray, jid cade, laamiga illaa xaafada, baabuurta dekeda xamar ka soo baxo ee badeecadaha u sida Suuq Bakaaraha iyo Suuq Bacaad waxaa laga yaabaa saddex maalmood wadada afisyooni illaa Tarbuunka inuu ku jiro, halkaasna baabuurta canshuur laba-laab kala kulmaan”ayuu yiri Muungaab.

“Guddoomiyaha Gobolka asigaa ah Hoggaamiyaha Nabadgelyada Gobolkaan, laakiin waa inay madaxda qaranka ku dhiirataa in Guddoomiyaha doorkaas nabadgelyada loo daayo oo looga dambeeyo, Wasiirada ay qaataan siyaasadda guud ee Amniga, magaaladan amnigeeda iyo kala dambeynteena in la dabaqo xeerka nabadgelyada in la dabaqo oo Guddoomiyaha door la siiyo, laakiin haddii la yiraahdo amniga wax ka qabo, waxna aan loo dhiibeyn, waxba kama jirto waaye, marka in door la siiyo waa loo baahan yahay Guddoomiyaha”ayuu yiri Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir.