AKHRISO:- Al-Shabaab oo beeniyay in uu ka tirsanaa Nin ay soo bandhigtay Hay’adda NISA

0

Duhrnimadii shalay oo Khamiis aheyd ayaa Hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya waxaa ay soo bandhigtay Sawirka Nin ay sheegtay Hay’addu in uu ka tirsanaa Warbaahinta Ururka Al-Shabaab.

Qoraal lagu daabacay Barta twitter-ka Hay’adda ayaa lagu sheegay in sarkaakaas lagu soo qabtay Howlgal ka dhacay degmada Howl-Wadaag ee Gobolkan Banaadir,hayeeshee Warkaasi waxaa beeniyay Al-Shabaab.

Warar ay Al-Shabaab ku daabaceen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka ayaa waxa ay ku sheegeen in Ninka NISA ay soo bandhigtay sawirkiisa uusan ka mid aheyn Warbaahinta Al-Shabaab,isla markaana wax aqoon ah u laheyn.

Shabaab sidoo kale waxaa ay sheegeen in Shaqsiga ay Dowladda Soomaaliya soo bandhigtay uusan waligiis wax xiriir ah la yeelan Al-Shabaab,isla markaana laga been abuurtay sida ay hadalka u dhigeen.