Golaha ammaanka oo si wadajir ah u diiday in Alshabaab lagu dhaqo Qaraarka 1267!

0

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa si wadajir ugu codeeyey diidmo kadhan ah in Dhaq-dhaqaaqa Alshabaab lagu daro laguna dhaqo qaraarka tirsigiisu yahay 1267 kaas oo ay kujiraan Ururada Alqaacidda iyo Daacish oo looyaqaan caalami ahaan ururo argagixiso

Danjiraha Soomaaliya ee QM Abuukar Cismaan Baalle ayaa kudaabacay Boggiisa Twitter-ka in golaha Ammaanka ee QM uu diiday in ALshabaab la geliyo Qaraarka tirgiisu yahay 1267 oo ururada kujiro goobaha ay joogaan aan la geyn karin gargaar isalamrkaana loo duqeynayo hab aan kalasooc lahayn, Ururka Alshabaab waxa uu hoay ugu jiray qaraarka QM ee tirsigiisu yahay 751

Kenya oo qayb ka ah dhoofinta dhuxusha Soomaaliya ayaa wadday olole weyn oo ay ku dooneysay in Ururka Alshabaab lagudaro Liiska Qaraarka 1267 si ay cadaadis u saarto Soomaaliya balse waxa ay tani noqoneysaa guuldarro weyn oo gaartay siyaasadda arrimaha dibadda ee Kenya iyada oo ay u badan tahay in Kiiska Badda ay ku guuleysato Soomaaliya.

Kenya waxa ay geed gaaban iyo mid dheerba u kortay sidii ay cadaadis siyaasadeed u saari lahayd dalka Soomaaliya, iyada oo burburisay xarumo isgaarsiineed oo ay leedahay shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo ah shirkad si gaar ah loo leeyahay islamarkaana xiriir iyo wadashaqyan la leh shirkadda Isgaarsiinta Kenya ee Safaricom