Masuul ka tirsan Gobolka Banaadir oo Xabsiga la dhigay Xili uu shir ku dhexjiray

0

Ciidamada Booliska ah ee Magaalada Muqdisho ayaa xabsiga dhigay Agaasime ku xigeen ka tirsanaa Maamulka Gobolka Banaadir.

Waxaana Xiliga la xidhay  uu shir kula jiray Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir waxaana uu ka mid ahaa guddiga qaban qaabada xil wareejinta Maamulka Gobolka Banaadir.

Ciidamo ka socda Booliska Gobolka Banaadir ayaa agaasimaha kala baxay shirka waxaana sidoo kale lala xiray labo qof oo kale oo midi haweeney tahay.

Ninka la xidhay ayaa lagu magacaabaa Nuur Axmed Cali, waxaana uu yahay ku-xigeenka Agaasimaha Shaqada iyo Shaqaalaha ee Maamulka Gobalka Banaadir .

Lama oga in xariggiisa xidhiidh la leeyahay Weerarkii 24kii July ka dhacay Xarunta Dowladda hoose ee Muqdisho oo dadkii ku nafwaayay uu ka mid ahaa Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir C/Raxmaan Cumar Cismaan Yariisow.