SAWIRRO:-Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo la kulmay Qoyska Marxuum Eng. Yariisow

0

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Fillish) ayaa xalay booqasho sallaan ugu tagay guriga ay degan yihiin Qoyska Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdishoo Marxuum Eng. Yariisow.

Guddoomiye Cumar Fillish ayaa wehliyay Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, Xildhibaan C/qaadir Carabow iyo xubno kale, waxaana mar kale Guddoomiyaha ugu tacsiyadeeyay qoyska geeridii Marxuum Yariisow.

Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa ugu horeyn soo dhoweeyay Guddoomiyaha cusub Cumar Fillish, isagoo xusay inay ka mahad celinayaan qoyska booqashada uu ugu yimid iyo sallaan sharafeedka.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Marxuum Yariisow uu ahaa muwaadin dalkiisa u adeegayay, isagoo waajibkiisa gudaha u geeriyooday, waxaa uu tilmaamay horumaradii iyo howlihii uu soo waday ay halkooda ka sii wadi doonaan.

Waxaa uu Guddoomiyaha balan-qaaday inuu ka warqabi doono qoyska Marxuum Yariisow, isla markaana aan marnaba la ilaabi doono kaalintiisa dal dhiska iyo u adeegidii dadka ku nool Caasimadda Muqdisho.