SAWIRRO:-Ciidanka Puntland Oo Howlgal Ka Sameeyay Buuraha Golis

0

Ciidanka kumaandooska ee PMPF iyo Cutubyo ka tirsan qeybta Bari ee Ciidanka daraawiishta Puntland oo fadhigoodu yahay deegaanka Af-urur ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay howlgalo ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan buuraha silsilada Golis.

Ciidanka Puntland ayaa howlglka ka sameeyay deegaano ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Al-shaabab,waxaana deegaanada howlgalkaas laga fuliyay kamid ahaa Maraje,Togga Naara,Isha bood,Ceel unkud,Kala dhacda illaa iyo Balqooxle.

Taliyaha Ururka 1-aad Ciidanka kumaandooska PMPF ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa uu sheegay in howlgalka ay guulo ka gaareen,isla markaana uu socday muddo saddex maalmood ah.

Deegaano ka tirsan buuraha sil-silada Golis ee Gobolka Bari ayaa waxaa ku sugan dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab iyo Daacish,kuwaasi oo weeraro ku qaada Saldhigyo ay leeyihiin Ciidanka Puntland.