Ra’isalwasaare Kheyre oo Dhuusamareeb ka furaya shirka dib u heshiinta Galmudug

0

Ra’sialwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa in uu tago Magalaada DHuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Safarka Kheyre ayaa la xiriira furitaanka shirka dib u heshiinta Maamul Goboleedka Galmudug oo lagu wado in uu dhawaan ka furmo Magaaladaasi.

Wafddi horudhac u ah Ra’isalwasaaraha ayaa shalay gaaray Magaalada DHuusamareeb,waxaana ay diyaarinayaan qaabilaadda ra’isalwasaaraha Soomaaliya.

Isla shalay waxaa Magaalada Dhuusamareeb la geeyay diyaarado waday Ciidamo Boolis ah oo sugaya amniga doorashada iyo shirka dib u heshiinta,waxaana ay la wareegeen xaruntii hore ee Xaaf iyo meelo kale oo ka mid ah Magaalaada Dhuusamareeb.

Magaalada DHuusamareeb ayaa waxaa ka jira isfaham waa u dhaxeeya Dowladda Dhexe iyo Maamulka Ahlu Sunna ee Magaaladaas ka taliya.

Guddiga shirka dib u heshiinta Galmudug ayaa waxaa ay sheegeen in 24ka saac ee soo socda uu shirkaasi ka furmi doono Magaalada Dhuusamareeb.