Musharax ka digay dagaal ka dhaca Kismaayo

0

Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul; oo kamid ahaa Musarxiintii u tartamayay xilka  Madaxwaynaha Jubaland ayaa ka digay gacan qaad dhexmara xubnaha sheegayana in madaxweynaha Jubbaland.

Waxa uu sheegay in uu isku howlayo xal u raadinta arrintaan, maadaama marka uu uu qiimeeyay aan la wanaagsaneen waxa ka socda Kismaayo.

Sheekh Shakuul oo kamid ahaa shaqsiyaadka haysta dhalashada Kenya ee isku soo taagay u tartamidda xilka Madaxweynaha Jubbaland.

Khilaafka ka dhashay Doorashada Jubbaland waxa uu sababay in saddex Madaxweyne lagu doorto Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Shakuul ayaa xaaladda Jubbaland ku sifeeyay in ay tahay mid adag oo halisteeda ay wadato, balse isaga uu u bareerayo baajinta dagaal saameyn taban ku yeesha dadka Jubbaland.

Nabad ka shaqeynta ayuu sheegay in uu ka doortay ka qaybgalka sida ay wax u socdaan Jubbaland oo ah qabshada doorasho ama isku caleemo saaridda madaxweynaha sida uu hadalka u dhigay.

Magaalada Kismaayo waxaa Khamiistii lagu qabto labo doorasho oo lagu kala doortay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Cabdirashiid Maxamed Xidig, Cabdinaasir Seeraar ayaa maalin kadib sheegtay in loo doortay Madaxweyne.

Wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya waxa ay sheegtay in aysan aqoonsaneen Doorashooyinkii ka dhacay Kismaayo iyo xulistii Baarlamaanka.