Maxay mucaarad, madaxweyne yaal hore iyo Puntland kula midoobeen Axmed Madobe ?

0

Maxay mucaarad, madaxweyne yaal hore iyo Puntland kula midoobeen Axmed Madobe ?

Inta kore iyo waliba qaar aqoonyahan sheegtaa

Waxay taageeradooda Axmed Madobe ku rumeeyeen oo ku oggolaadeen mowqifka Axmed Madobe ee u adeege danaha Kenya. Mowqifkaa yey la qaateen mr Madoobe.

Maxay yihiin danaha kenya ee Axmed adeegaha ka yahay ? link-yada warbaahinta kenya ee qoraalkan ka hooseyaa yaa ka mid waxyaabaha caddaynaya danaha iyo rabitaanka kenya, annagu halka yaanu qaar kooban uga soo qaadan.

kenya waxay doonaysaa:

In Somaliya khasab uga noqoto maxkamada ICJ oo ay ugu yaraan la qaybsato kenya badeeda
In Somalia iyo kenya Africa ku dhexdhexaadiso arrinta badda somaliyeed si isla hadafka qaybsiga ay kenya u gaarto.
In hadday Somalia diido la qaybsiga badeeda kenya, ay kenya xoog ku qaadato baddaa oo dhan, ayado an u hogaansamayn xukun maxkameed oo ayada ka dhan ah, waliba ku sii hanjabaysa qabsasho 3da gobol ee jubooyinka.
Kenya waxay marmarsiiyooyinkeeda ku sii xoojini in somali badankeed( fadlan aqri maqaalkan: https://www.nation.co.ke/news/Somalia-plot-to-auction-oil-blocks/1056-5241390-fmcranz/index.html) ) ay wadiniyiin dhabta ku sheegtay oo ay ka mid yihiin 27 xildhibaan, madaxweyneyaasha Jubaland iyo Puntland, 2 madaxweyne qaran oo hore (Sh shariif iyo Xasan sh ) iyo ninkii hore ugu sixiixay kenya MOU- Gii an la mahadin, Abdishakuur, ay wada oggolyihiin in arrinta badda laga wada xaajoodo lakiin ay diidan yihiin saa dalxiiseyaal wata passport-yo (Farmaajo-khayre ) shirkado galbeed dalka u keensadeen in ay shidaal badda kenya. Waxaa mudan xasuusin in Dacwada badda u furay Ex mdw Xasan sh oo an ka mid ahayn kuwa kenyaanku gabidhaclayntooda caraatanka noqotay dalxiiseyaal ku sheegeen.

Sida la ogyahay, barlamanka kenya waxaa horyaal in ciidanka kenya loo diro xoog ku qabsashada goobaha shidaalka laga baarayo haddii ICJ ay somaliya u xukunto.
Ciidanka jubooyinka joogaa ee an shabaab, soo gelitaankiisi ka dib, hal goob ka qabsani(sidii loogu soo talogalay ) waa hordhicii ciidanka loogu talogalay weerarka Somalia iyo goobaha shidaalka laga baarayo.
Kenya waxay caddaan u sheegeysaa in ay hadafkaas ku gaarayso ku sugidda Axmed kursiga dowlo goboleedka jubaland iyo ku hayntiisa inta ay hawlaheeda ka dhammaysanaso. Shaqadaa Axmed ogaalka ula qabanayo kenya, waxay labaduba ugu muujiyaan dadweynaha si caadifad qabiilaysan. Qofkii inta kore shaki ka qabaa ha ku darsado inta u ogyahay in u aqristo maqaallada iyo go’aannada ka soo baxay xagga kenya usbuucyadan sida:
https://www.nation.co.ke/news/Somalia-plot-to-auction-oil-blocks/1056-5241390-fmcranz/index.html
Iyo boogaadinta sayga

Monica Juma Peter Kagwanja

ugu gudbinayo Adan Ducale suu wax uga qabtay kursi saarida Axmed Madoobe
Ilama aha in somalidu ay ku wareegaalaysato macnayn been ah kala saarida awoodaha dastuuriga ee dowladda dhexe iyo kuwa goboleedka iyo ku tartamo dowlado qalaad sidii Somalia loo kala qaadan lahaa. waa in nuxurka la abbaaraa oo la isweydiiyaa maxaa dowlo dhexe iyo Axmed isku hayaan?

Ma dowladaha deriska yaa nagu tartamaya manta(ma aha shalay )mise mid yaa rabta in ay dhacdo oo bareer dibadda u taagan?

Xageyga dullaanka cadi waa xagga kenya oo ayaduba an qarsanayn ee xoog rabta in ay badda somaliya ku qaadato Haddii kale maxay maxkamada u diidi ?

Waxaan qabaa, anoo ka xun, in dadka kenyaanku u cuskanayaan(arag maqaalka kore ) damacooda boobka ah, qaarkood, sida labada ex madaxweyne, ay dabin ku rideen oo dantii qaran iyo miisaankoodi ka indho tireen damac siyaasadeed iyo xurgufo an asaasi ahayn oo kala dhexeeyaa kuwa galinkan hogaanka dalka haya, meesha qolooyinka kale badankood cadawga iska iibiyey.

Abdi Omar Ilmoge