Madaxweynaha K/Galbeed Oo Amar Siiyay Saraakiisha Ciidanka Booliska

0

Kulan looga hadlayey xoojinta Amaanka iyo ka hortagida falalka lidiga ku ah Amaanka Koonfur Galbeed ayaa waxaa wada Qaatay Saraakiisha Ciidanka Booliska Qeybahooda kala duwan iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen.

Kulanka ayaa inta uu socday waxa uu ahaa sidii la isku dhaafsan lahaa Fikrado lagu xoojin karo Amaanka iyo sidii looga hortegi lahaa weerarada Al-shabaab.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa u mahadceliyey Sarakiisha Ciidanka Booliska Kaalinta wanaagsan ee ay ka Qaateen sugida Amaanka Magaalada Baydhabo iyo sida Har iyo Habeen ay ugu Taaganyihiin Sidii ay ubadbaadin lahayeen Shacabkooda Somaliyeed.

Dhanka kale Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa Sarakiisha ku amray inay sii laba jibaaran sidii looga shaqayn lahaa sugid Amaanka Guud Koonfur Galbeed Soomaaliya.