Guddiga doorashooyinka Puntland oo gudoon cusub doortay

0

Guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland ayaa magaalada Garoowe ku doortay guddoomiye, guddoomiye ku-xigeen iyo afhayeen cusub oo kala hagi doona Guddiga Doorashooyinka Puntland.

Guddiga Doorashooyinka Kumeel gaarka ah Gudoomiye u doortay Guuleed Saalax Barre oo horay wasiir uga soo noqday Puntland.

Guddiga ayaa sidoo kale Gudoomiye ku Xigeen u doortay Jaamac Xirsi oo ka mid ahaa Xumnaha Guddiga Doorashooyinka ku meel gaar ah ee uu dhawaan Magacaabay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni.

Afhayeena Guddiga ayaa loo doortay saxafi hore Cabdinuur Sheekh Maxamed Isxaaq oo isna kamid ahaa Guddiga uu dhawaan Magacaabay Madaxweyne Deni.

Guddigaan ayaa markii la magacaabay Khilaaf ka dhex dhaliyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni iyo Ku xigeen Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo wada shaqaynaayay mudo ka yar Sideed bilood.