Al-shabab oo weeraray Buulo barte iyo maamulka oo ka hadlay

0

Dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ayaa waxaa ay xalay weerar ku qaadeen Degmada Buulo Barte ee Gobolka Hiiraan.

Al-shabaab ayaa weeraray saldhig Ciidanka Jabuuti ay ku leeyihiin halkaas waxaa kale oo ay weerareen Saldhig Ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin Magaalada.

Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Degmada Buulo Barte Cismaan Geeddi ayaa sheegay in weerarka Al-shabaab uusan wax khasaare nafeed ah geysan iyagana ay iska difaaceen.

Weerarka Al-shabaab ee Buulo Barte ayaa imanaya iyada oo shalay Ciidamada dowladda iyo kuwa Dowladda Jabuuti ay AL-shabaab ka qabsadeen Degaanka Buurweyn iyo degaanno hoostaga.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa dhaq dhaqaaqyo ka billaabay Gobollada shabeellaha hoose, Shabeellaha dhexe,Hiiraan iyo Gobollada Jubooyinka.