Al-Shabaab Oo War Kasoo Saartay Doorashooyinkii Ka Dhacay Magaalada Kismaayo

0

Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa dhawaan waxaa ka dhacay Doorashada Madaxweynaha Jubbaland oo markii saddexaad isku dooray xilka Hogaamiye Axmed Madoobe.

Al-shabaab ayaa markii ugu horraysay ka hashay Doorashadii uu kusoo baxay Axmed Madoobe iyo labada Madaxweyne kale oo looga dhawaaqay Magaalada Kismaayo,kuwaasi oo la sheegay inay yihiin Madaxweynaha Jubbaland.

Guddoomiyaha Al-shabaab ee Jubbooyinka Mahamed Abuu Cabdalla oo la hadlay Idaacada ku hadashay Afka Shabaab ayaa waxaa uu sheegay in ay dagaal la geli doonaan dhammaan kuwa sheegtay in ay Madaxweynayaal ka yihiin dowlad Goboleedka Jubbaland.

Sidoo kale Sheekh Abuu Cabdalla ayaa waxaa uu sheegay in Jubbaland ay isku heystan dowladaha Kenya,Itoobiya iyo dowlado kale oo reer Galbeed ah,kuwaasi oo uu xusay inay kala wataan Musharaxiin kala duwan.

Isaga oo sii hadaayay Sheekh Abuu Cabdalla ayuu sheegay in Ciidanka Jubbaland ay Gobolada Jubbooyinka uga sugan yihiin Degmooyinka kala ah Afmadow iyo Kismaayo,isla markaana aysan waxba iska bedeli doonin mowqifkooda ayna la dagaalami doonaan Dhammaan Madaxda Jubbaland.

Magaalada Kismaayo ayaa Khamiistii la soo dhaafay lagu doortay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo markii saddexaad noqday Hoggaamiyaha maamulkaas,waxaana isla Magaalada looga dhawaaqay laba Madaxweyne oo kala ah Cabdinaasir seeraar oo Madax ka ahaa Musharaxiinta Isbedeldoonka Jubbaland iyo Cabdirashiid Xiddig oo ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka.