AKHRISO:- Maxaad kala socota khilaafka soo kala dhexgalay hogaanka Ahlusunna

0

Ilo lagu kalsoonkaro oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa Xaqiijiyay in Khilaaf uu soo kala dhex galay Hoggaanka Ururka Ahlusunna ee gacanta ku hayay Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Khilaafka ayaa yimid ka dib markii xubno ka mid ah Ahlusunna ay ku dhawaaqeen in ay ka baxayaan heshiiskii ay la gaareen dowladda dhexe ee Soomaaliya ka dib markii la fulin waayay qodobadii lagu heshiiyay.

Qaar kale oo ka mid ah Hoggaanka Ahlusunna ayaa sheegay in uu heshiisyo yahay sidii lagu kala saxiixday oo aan loo baahneyn in maanta laga laabto, islamarkaana dowladda dhexe ee Soomaaliya ay taageeraan si ugu yaraan qaar ka mid ah qodobada heshiiska ay u hirgalaan.

Kulan ay yeesheen Hoggaanka Ahlusunna oo ay ka mid yihiin Macalin Maxamuud, Shaakir iyo Ashcari ayaa lagu kala dareeray xalay.

Hoggaanka Ciidanka Ahlusunna ayaa sidoo kale kasoo horjeestay tilaabooyin uu qaaday Macalin Maxamuud iyo Wasiirka qorsheynta Galmudug.