SAWIRRO:-Waqooyiga Kuuriya oo tijaabisay gantaallo cusub oo ay ku cadaadineyso Mareykanka

0

Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong Un ayaa goobjoog ahaa tijaabinta gantaallo cusub oo uu dalkaasi sameystay kuwaas oo ay uga gol-leeyihiin sidii ay miiska wadahadalka dib ugu keeni lahaayeen Mareykanka islamarkaana uu cunaqabateynta saaran uga qaadi lahaa.

Mareykanka iyo Waqooyiga Kuuriya ayaa ku kala booday wadahadallo dhowr jeer dhacay oo khuseeya xal u heliidda hubka nukliyeerka Waqooyiga Kuuriya kuwaas oo soo idlaaday natiijo la aah, laakiin waxaa ay isku raaceen in dib loo kulmo dhawaan.

Wakaaladda wararka dalkaasi ee KCNA ayaa shaaca ka qaaday in tijaabada gantaalladaasi ay aahaayeen kuwo lagu guuleystay islamarkaana uu amaanay hogaamiye Kim.

Koonfurta Kuuriya ayaa ka hadashay gantaalada shalay ay tijaabisay Pyongyang, waxaana ay ku sheegtay kuwo riddadoodu gaaban tahay balse aan la garan nooca ay ahaayeen.

Waa jijaabadii todobaad ee Waqooyiga Kuuriya fuliyo bishan gudeheeda.