SAWIRRO:-Madaxweyne Farmaajo oo casho Sharaf u sameeyay bahda qalinleydii ka qaybgalay Carwada Buugaagta Muqdisho

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay casho sharaf u sameeyay bahda qalinleyda ee ka qayb gashay Carwada Buugaagta ee Muqdisho ayaa bogaadiyay kaalinta ay ka geysan karaan ilaalinta afka, dhaqanka iyo sooyaalka taariikheed ee ummadda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa qabanqaabiyeyaasha carwadan sannadlaha ah iyo ka qayb galayaashaba ku dhiirrigeliyay in ay sii laba-laabaan dadaalka ay wadaan, ayna si qoto dheer baaritaan ugu sameeyaan dhacdooyinka dalka si ay taariikh kaydsan ugu noqoto jiilalka dambe.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidoo kale qalinleyda Soomaaliyeed ku boorriyay inay ka qayb qaataan sare u qaadidda wacyiga shacabka,dib u dhiska dalka iyo la shaqeynta dowladda