DHAGEYSO:-Taliyaha Militariga Somaliland oo si kulul uga hadlay colaada Sanaag

0

Taliyaha ciidanka Militariga Somaliland S/Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay xaaladda ka aloosan gobolka Sanaag gaar ahaanna ciidanka ka soo goostay Somaliland iyo sidoo kale jabhadda Col. Caarre ee ku sugan gobolkaasi.

Gen. Taani ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo ciidanka ka goostay Somaliland ee ku biiray Puntland oo uu ku tilmaamay kuwa khiyaano la dhex joogay ciidamada Somaliland, islamarkaana si xaq-darro ah u cunayey canshuurta shacabka Somaliland.

Wuxuu sheegay in saraakiil hore u goostay Somaliland oo ku sugnaa gobolka Sanaag ay diideen inay fuliyaan amar la siiyay oo ahaa inay weeraraan degmada Badhan ,isagoo ciidanka hadda goostayna ku tilmaamay inay kuwaasi lamid yihiin.

Sidoo kale Taliyaha ayaa ka hadlay jabhadda hubaysan ee Col. Caarre hoggaamiyo ee dagaalka kula jirta Somaliland, waxaana oo sheegay in Caarre uu mudanyahay in la qisaaso maadaama sida uu sheegay uu dad badan laayay.