DAAWO:- Shirka Dib-u-heshiisiinta Galmudug Oo Dhuusamareeb Ka Furmaya Laba Maalin Gudahood

0

Odayaasha dhaqanka iyo bulshada magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta Dhuusamareeb qado sharaf ugu sameeyay guddiga dib-u-heshiisiinta Galmdug iyo ergada magaalada u timid in ay ka qeyb galaan shir-weynaha loogu diyaar garoobayo dhismaha Galmudug loo dhanyahay.

Ugaas Cabdi daahir Ugaas Nuur oo ka hadlay qadada reer Dhuusamareeb u sameeyeen guddiga iyo ergada ayaa sheegay in kulanku ahaa is barasho iyo soo dhaweyn, waxa uuna ku dhiirri geliyay reer Galmudug in ay ka shaqeeyaan horumarka deegaanka.

Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde oo ka hadlay afka ergada kulanka ka qayb galay ayaa uga mahad celiyay reer Dhuusamareeb soo dhaweynta waxa uuna dhankiisa sheegay in reer Galmudug ay ka faa’iideystaan fursadda dahabiga ee la siisayay oo ay ka wada shaqeeyaan adkeynta midnimada.

Guddoomiye ku-xigeenka guddiga dib-u-heshiisiinta Galmudug, Cabdi Maxamed Jaamac {Cabdi waayeel}, oo ka mahad celiyay qadada, ayaa shaaciyay in shirka did-u-heshiisiita Galmudug uu furmayo 48 saac gudahood.

Guddiga dib-u-heshiisiita Galmudug oo ay magacaawday wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta ayaa mas’uul ka ah qabsoomidda shir-weynaha ay aayahooda uga wada hadlayaan ee ka furmaya magaalada Dhuusameeb ee xarunta Galmudug.