Midowga Afrika oo Somaliya ku cadaadinaya in kiiska badda lagu dhameeyo Adis ababa

0

Ururka Midowga Afrika ayaa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ku cadaadinaya sidii kiiska Badda ee yaalla Mxkamadda ICJ una dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya loogu dhameyn lahaa Magaalada Adis ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya.

Guddi ka mid ah Midowga Afrika ayaa warqad casuumaad ah u soo diray Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya kuwaas oo sheegayay in arrinta Badda ee Kenya iyo Soomaaliya uu dhameynayo Midowga Afrika.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa iska diidday casuumaaddaas waxaana ay sheegtay in ay ku kalsoontahay go’aanka Maxkamadda ICJ ee The Hague.

Wargeyska The Star ee ka soo baxa Dalka Kenya ayaa qoray in 21kii Bishan ay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ka jawaabtay warqadda casuumaadda ah ee Midowga Afrika.

9ka ilaa 13ka Bisha soo socota ayey Maxkamadda ICJ dhegeysaneysaa wareeg kale oo ka mid ah dacwadda Badda ee ay Soomaaliya geysay sanadkii 2014kii.

Kenya ayaa xoog ku saareysa Waddamada ku lugta leh arrintan in meel aan Maxkamad ahayn lagu dhameeyo kiiskan.

Dhinaca kale Kenya ayaa waxaa ay horay u sheegtay in ay Ciidamo geyneyso Biyaha Soomaaliya ee ay sheeganeyso,waxaana Baarlamaanka Dalkaas uu gudbiyay mooshin Ciidan lagu geynayo biyaha Soomaaliya.